Maalinta ciidanka xooga dalka soomaliyed waa maalin qiimo aad u weyn leh shacabka soomaliyed , maadaama ay astaan u tahay geesinimada , naf_hurnimada , iyo dadaalka joogtada ah oo ey ciidamada u galaan difaaca qaranka. Maalin kasta oo La xusayo ciidanka , waxa dib loo milicsadaa halgankii dheeraa oo ey u somareen ilaalinta madaxbanaanda iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka xooga dalka soomaliyed waxa si rasmi ah loo aasaasay sanadkii 1960, waana laf_dhabarta amniga qaranka.
Tan iyo markaas, ciidanku waxay soomaren marxalado badan oo ay kamid yihiin, dagaalo, dib u dhis iyo horumar. In kasto oo ay jireen caqabado badan , hadana ciidanku waligood kama daalin u adeegista iyo ilaalinta shacabka soomaliyed.
Sanadahii ugu danbeyay waxaa si muuqata u kordhay tayada iyo awooda ciidanka. Tababaro casri ah, qalab cusub, iyo iskaashi caalami ah ayaa ka caawiyay in ey noqdaan ciidan awood leh oo si hufan u gudan kara waajibaadkoda . Sidookale tan waxay sare u qaaday kalsoonida , iyo rajada laga qabo mustaqbal amni oo wanaagsan .
Waxaa xusid mudan in ciidamada soomaliyed in ey san kaliya ku ekaan difaaca dalka, balse sido kale ay door kaqaataan Samanta bixinta shacabka soomaliyed xiliyada adag, sida fatahaadaha, abaaraha , iyo xaaladaha degdega ah . Taasi waxey muujineysaa in ciidanku ay yihiin adeegayaal dhab ah oo u taagan badbaadada shacabka.
Dhalinyarada soomaliyed aya Manta ciidanka u arka tusaale geesinimo iyo wadaniyad. Ku biirista ciidanka ma aha shaqo oo kaliya, balse waa sharaf iyo masuuliyad culus oo u baahan dulqaad, karti, iyo jacayl qaran .
Maalintan qaaliga ah, waxa muhiim ah inaan xasuusano halyeeyadii naftooda u huray dalkooda, isla markaana aan u mahadcelino kuwa weli heeganka ugu jira difaaca qarankeena . Taageerida shacabka iyo midnimada Umada soomaliyed ayaa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo ciidan xoogan iyo dal nabadoon .
Ugu danbeyn , Ciidanka xooga dalka soomaliyed waa astaanta rajada iyo dib-u-soo kabashada qaranka. Iyaga oo kaashanaya shacabka waxey sii wadi doonan dadaalkoda ku aadan nabada, xasilloonida, iyo horumarka dalka .
All content published on this website, including articles, images, and graphics, is the property of this site unless otherwise stated. Unauthorized copying, reproduction, or distribution of any material without written permission is strictly prohibited. Any violation may result in legal action.